Taliska Ciidanka Asluubta Puntland iyo Jaamacadda PSU oo heshiis kala saxiixday (VIDEO)

Taliska ciidanka Asluubta Dawladda Puntland ayaa heshiis kor loogu qaadayo aqoonta maxabiista iyo wacyi gelintooda la saxiixday maamulka sare ee Jaamacadda Puntland state university.

Heshiiskan oo si wada jira uga faaiidaysanayaan Ardayda Jamacada iyo Maxaabiista ayaa ardaydu asbuucii maalmo kooban tege doonaan Xabsiga Weyn ee Garowe,waxaana ay Casharo iyo Wacyigelin siinayaan Maxaabiista,halka ardaydu ay ay si toos ah u dabaqayaan casharadii ay soo barteen ee dhanka Cilmiga Bilshada.

Saxiixa Heshiiska ayaa ka dhacay Xarunta Taliska Ciidanka asluubta Puntland waxaana goobjoog ahaa Saraakiisha hogaamisa Ciidanka ,Masuuliyiin ka socotay Wasaaradda Cadaaladda ,Hay’adda UNODCO iyo Maamulka Jaamadda PSU.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Dawladda Puntland Janeraal Calinuur Cumar Saalax ayaa sheegay in heshiiskani uu qayb ka yahay dadaalo uu Talisku ku horumarinayo adeegyada waxbasharo ee Maxaabiista ku xiran Xabsiyada Puntland.