Yemen: 100 qof oo lagu dilay dagaal ka dhacay magaalada Ma’rib

Waxaa jira warar sheegaya in in ka badan 100 dagaal yahanno ah lagu dilay dagaal u dhaxeeya ciidamada ammaanka Yemen iyo mucaaradka Xuutiyiinta ee ka dagaallamaya waqooyiga dalkaas.

Ilo laga soo xigtay dowladda ayaa sheegay in ilaa 30 ciidamada ka tirsanaa lagu dilay dagaalka oo socday saddexdii maalmood ee la soo dhaafay.

Dagaalka ayaa salka ku haya gacan ku heysta magaalada Macrib. Dowladda ayaa sheegtay in Xuutiyiinta laga dilay 80 qof.

Macrib waa mid ka mid ah magaalooyinka Yemen ee shidaalka qaniga ku ah. Kumannaan qof oo ka barakacay qeybaha kale ee Yemen ayaa ku nool magaaladaas.

Shaqaalaha hay’adaha gargaarka ayaa aaminsan in qabsashada Macrib ay horseedi karto musiibo bani’aadannimo oo hor leh.