Puntland oo deeq waxbarasho oo dalka Itoobiya ah u dirtay 108 Arday (VIDEO)

Wasaaradda Waxbarashada & Tacliinta Sare Ee Puntland ayaa maanta sagootisay 108 Arday oo deeq waxbarasho oo heerka labaad ah ka helay dalka Itoobiya, kaddib munaasabad ka dhacday magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Puntland Cabdullaahi Maxamed Xasan, ayaa kula dardaarmay Ardayda inay si wanaagsan uga faa’ideystaan deeqdan waxbarasho, si ay qeyb uga noqdaan Hormarka Puntland.