Jaamacadda Carabta oo soo dhaweysay qabashada Doorashada Soomaaliya

Baarlaamaanka Carbeed ayaa soo dhaweeyay go’aankii ay soo saareen Golaha Wadatashiga Qaranka ee ku saabsanaa jadwalka doorashooyinka.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta mudane Caadil bin Cabdiraxmaan Al-Casuumi ayaa bogaadiyay sida madaxda Soomaaliyeed ay u muujiyeen mas’uuliyad wadareed si hore loogu dhaqaaqo, isagoo intaas ku daray in Baarlamaanka Carabtu garab taagan yahay Soomaaliya si loo xaqiijiyo xasiloonida iyo horumarka dalka.

Guddoomiye Al-Casuumi ayaa ugu baaqay wadamada Carabta iyo beesha caalamka inay taageeraan Soomaaliya sidii ay u hirgeli lahaayeen yo heshiiyadii la gaaray, sidoo kalena ay u dhacdo doorasho daahfuran.