Hoggaamiyaha kooxda TPLF oo dib ugu laabtay magaalada Mekelle

Hogaamiyaha kooxda TPLF ayaa dib ugu laabtay caasimada gobolka Tigreega ee Itoobiya ee Mekelle, kadib 8 bilood oo uu dagaal kula jiray ciidamada Federalka, sida ay wararka sheegayaan.

Dr. Debretsion Gebremichael ayaa shalay soo gaadhay magaalada Mekelle , maalmo kadib markii ay ciidamada Federalku ka baxeen magaalada iyo inta badan gobolka.

Waa gudoomiyaha kooxda TPLF wuxuuna madaxwayne ka ahaa dawlad deegaanka Tigreega oo uu hogaamiye ka ahaa xisbigiisa kahor intaan meesha laga saarin.

Isaga iyo asxaabtiisuba waxay ka baxeen magaalo madaxda gobolka waxyar uun ka hor inta aysan ciidammada federaalku la wareegin dabayaaqadii Nofeembar ee sanadkii 2020.