VIDEO: Shirka Dib-u-eegista Habraaca qorista Booliska Puntland oo ka furmay Garoowe (Sawirro)

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta Dowladda Puntland Mudane Cabdullaahi Cabdisalaan Xasan, ayaa maanta ka daah-furay magaalada Garoowe Shirka dib-u-eegista hanaanka qorista Ciidanka Booliiska Puntland ( review of Puntland Police recruitment guideline).

Shirkan waxaa kasoo qabay galay qaar kamid ah Golaha Wasiiradda Puntland oo ay kamid yihiin Wasiirka kuxigeenka Wasaaradda Arimaha Gudaha, Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Caddaaladda, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Shaqada,Shaqaalaha iyo Ciyaaraha, iyo Taliye Kuxigeenka Booliiska Dowladda Puntland iyo Gudoomiyaha Maxkamadda ciidamada qalabka sida iyo dambiyada Culus, Saraakiil Booliis ah iyo khuburo kale.

Shirkaan dib u eegista oo socon doona shanta cisho ee soo socota, waxaana si weyn loogu gorfeyn doonaa hannaanka qorista Booliska Puntland iyo shuruudaha looga baahan yahay works noqonaya Boolis.