Garab kamid ah Guddiga doorashada heer Somaliland oo doortay Guddoon & khilaaf cusub

Guddiga Maamulka Doorashada Somaliland ee Xildhibaannada labada Aqal ayaa iska doortay Guddoomiye iyo Guddoomiye kuxigeen, sida lagu shaaciyay barta Facebook ee Guddiga Doorashada FIET.

Khadar Xariir Xuseen ayaa loo doortay Guddoomiye, halka Najiib Xuseen Samaale loo doortay Kuxigeen.Xubnaha is doortay ayaa ahaa 7 xubnood oo isugu jiray afar xubnood oo ka mid ahaa Guddigii 8-da Xubnood iyo Saddex Xubnood oo ahaa xubnihii dheeriga ee laga soo magacaabay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Doorashada ayaa waxaa ka maqnaa afarta xubnood ee ka socday dhank Guddoomiye Cabdi Xaashi, waxaana xubnaha is doortay ay ahaayeen kuwii ka yimid dhanka Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Mahdi Guuleed.

Sida muuqata khilaafkii Siyaasiyiinta labada garab ee Gobolada Waqooyi ayaa dib u soo laba kacleeyay, iyadoo Guddidii labada garab ka yimid ay khilaafka darteed labo hotel u kala dageen.

Arrinta ugu weyn ee la isku hayay ayaa ahaa in aanay doorashda Guddoomiyaha Guddiga ka qeyb galin saddexda xubnood ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha laga soo magacaabay, taasoo aheyd dood ay qabeen Garabka Cabdi Xaashi.