Xildhibaan Kuluc “Sharci ma aheyn Xeerkii uu meel-mariyay Baarlamaanka Puntland” (VIDEO)

Muranka ka taagan wax-ka-beddelkii lagu sameeyey Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada Puntland ayaa sii kordhaya iyada oo ay ku kala qaybsameen xildhibaannada Baarlamanka.

Xildhibaan Axmed Kuluc oo kamid ah Golaha Wakiillada, isku deegaannada laga soo doorto Guddoomiyaha Baarlamanka oo u hadlay xildhibaannada qaadacay wax-ka-beddelka Xeer-hoosasd ayaa BBC u sheegey: “Sida wax u dheceen waa sharci-darro, sharcina looma marin wax-ka-beddelka;qodobka ah in aan ku dhacayno 44 cod, wuxuu toos uga hor imanayaa Dastuurka waxkasta oo dastuurka ka horyimaaddana waa waxba kama jiraan”.

Xildhibaanka ayaa intaas ku daray “Waddanku maxkamad ayuu leeyahay iyadaana lagu kala baxayaa sidii dhawaanba dhacday”.