Muqdisho: 6 Ruux oo ku dhintay dagaal dhexmaray Ciidanka Dowladda (VIDEO)

Inta la xaqiijiyay 6 Ruux ayaa ku dhintay dagaal u dhexeeyay Ciidammo ka wada tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, kaas oo ka dhacay Isgoyska Ex-koontorool Afgooye ee Magaalada Muqdisho.

Dagaalkan ayaa yimid kaddib markii Ciidamada dagaalamay ay isku qabteen lacago laga qaado Gaadiidka laga raro Ex-kontorool Afgooye, Dadka dhintay ayaana 2 kamid ah ay tahay Ciidankii dagaalamay, halka 4 kalena ay yihiin Shacab.

Sidoo kale, Goobjoogayaal ayaa sheegay inuu jiro dhaawac soo gaaray dad shacab ah, oo ka dhashay dagaalkan, oo sidoo kale sababay inuu istaago isku socodka dadka iyo Gaadiidka, iyo goobihii ganacsi ee goobta ka ag dhawaa, oo markii dambe dib loo furay.

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay Hay’adaha amniga DFS oo ku aadan dagaalkan saaka dhexmaray Ciidammada Dowladda.

Idilnews