Video:-Weli waxaa khilaaf xoog badan ka taagan yahay Doorashada Gobolada Waqooyi

ROOBLE BOOBKII FARMAAJO LAGA DIIDAY LAGAA AQBALI MAAYO.

Rooble oo doonaya inuu Doorashada Xildhibaanada Gobolada Waqooyi (Somaliland) u boobo Farmaajo & Mahdi Guled,sida uu qabo Omar Abrar.

Golaha Siyaasadda Somaliland,ayaa mar kale ku celinaya in ay ka soo horjeedaan Rooble go’aankii dhinaca Mahdi/Farmaajo u janjeera ee lagu taageeray Farmaajo ajendihiisii ​​doorashada Somaliland.

Omar oo hadalkiisa sii wada,ayaa yiri”Haddii aan la joojin, tani waxay horseedi doontaa geedi socod barbar socda”

“Rooble ha sababin in doorashada dalka Somaliya qalqal gasho & fowdo oo noqoto dagaal. Damaca Gurracan ee Farmaajo cid aqbaleyso ma jirto. U adeegida damaca gurracan Farmaajo & ku shaqeynta Amarkiisa waxaa ay sabab u noqon kartaa doorasho is barbar yaal & dagaal lagu hoobto.”Ayuu kusoo afmeeray hadalkiisa Omar Abraar.

Halkan ka daawo muuqaalka