Ganacsade caawa lagu diley magaalada Beledweyne

Wararka ka imanaya magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan,ayaa sheegaya in ganacsade lagu magacaabi jirey Cumar Yuusuf Cali Ducaale lagu diley caawa xaafada Howlwadaag ee magaalada Beledweyne.

Dilka ganacsadaha,ayaa waxaa la sheegay in ay ka dambeeyeen kooxo hubeysan oo markiiba goobta isaga baxsaday lamana oga waxa uu salka ku hayo dilka ganacsadaha loogu geestay Baledweyne.


Idil Television