Mudug: Taliyaha Ciidanka dhulka DFS oo ka bad-baaday Qarax lala eegtay

Qarax Miino ayaa lagula eegtay duleedka deegaanka Qeycad ee Koonfurta Gobalka Mudug kolonyo gaadiid ah oo uu la socday Taliyaha Ciidanka dhulka Gen. Maxamed Tahliil Biixi, kuwaas oo ku sii jeedeen deegaanka Qeycad oo ay dhowaan la wareegeen ciidamada Maamulka Galmudug iyo kuwa Xoogga Dalka ee DFS.

Qaraxan oo uu ka bad-baaday Gen. Biixi ayaa galaaftay nolasha labo kamid ah Ciidanka Dowladda, halka ay ku dhaawacmeen tiro kale, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Ciidammada Xoogga Dalka iyo Daraawiish-ta Galmudug ayaa howlgallo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab ka wada koonfurta Gobalka Mudug, waxaana ay sheegeen inay dhowaan weerari doonaan degmadda Xarardheere oo sanado badan saldhig weyn u aheyd kooxda Al-Shabaab.

Idilnews