Maxamed Cali Yuusuf Gaagaab oo loo doortay Senator kamid ah Aqalka Sare

Madaxweyne kuxigeenkii hore ee Puntland Maxamed Cali Yuusuf Gaagaab, ayaa loo doortay Senator kamid ah Golaha Aqalka Sare ee BJFS ee matalaya Puntland, kaddib markii ay u tanaasushay Kowsar Cabdullaahi Xirsi, oo kamid aheyd musharixiinta Aqalka Sare.

Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ayaa cod gacan taag ah galiyay xubinimada Aqalka Sare ee Gaagaab, waxaana u codeysay 65 Xildhibaan.

Idilnews