Puntland iyo Galmudug oo kala wareejiyay Geel la kala dhacay (VIDEO)

Dowlad Gobaleedyada Puntland iyo Galmudug ayaa ku kala wareejiyay deegaanka Godod ee bariga ee Gobalka Mudug 13 Neef oo geel ah oo ay Kala haysteen xoolo dhaqato kasoo kala jeeda Galmudug iyo Puntland.

Munaasabadda kala wareejinta Geela ayaa waxaa goobjoog ahaa Taliyaha Ciidanka Daraawiishta ee Gobalada Mudug iyo Cayn G/Sare Sharmaake Sheekh Doon, Taliye kuxigeenka Qeybta Booliska Gobalka Mudug, Duqa degmadda Gaalkacyo ee Puntland iyo duqa degmadda Gaalkacyo ee Galmudug.

Masuuliyiinta labada dhinac iyo Saraakiisha Amniga ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay nabada iyo wada noolaanshiyaha dadka Gobalka Mudug ee oodwadaagta ah, waxayna dadka xoolo dhaqatadaa ugu baaqeen in ay nabada iyo xasiloonida qeyb weyn ka qaataan.