Gudiga Doorashooyinka heer Fadaraal oo qarka usaaran in uu burburo

Gudiga doorashooyinka heer Fadaraal oo qarka usaaran in uu burburo,kadib khilaaf xoog leh oo ka dhex qarxay.

Khilaafka Gudigu isku hayaan,waxa uu yahay doorka Dowlad Goboleedyada ee Doorashada Aqalka-hoose.

Heshiiskii 17-Sep,waxuu dhigayay in soo xulida Ergada Dooranaysa Xildhibaanada ay ka kala yimaadaan Dowlad Goboleedyada,Bulshada Rayidka ah iyo Odoyaasha Dhaqanka.

Balse Baarlamaanka Fadaraalka markii la horgeeyay waxa uu ka saaray doorkii Dowlad Goboleedyada.

Intii ka danbaysay wax ka badalkii Baarlamaanka layskuma soo qaadin doorkaas ,waxayna umuuqatay in Dowlad Goboleedyadu ku qanacsan yihiin wax ka badalkii Baarlamaanka.

Haatan waxaa soo laba kac leeyay Dowlad Goboleedyadii oo cadaadis ku saaraya Gudiga in ay door ku yeeshaan Soo xulida Ergada.

Gudoomiyaha Gudiga Doorashada Cirro oo ay gadaal ka riixayaan Beesha caalamku,ayaa diidan doorka Dowlad Goboleedyada,waxuuna taagan yahay sidii aniga wax laygu dhiibay,ayaan wax ku wadayaa,halka xubnaha matala Dowlad Goboleedyaduna taa diidan yihiin.

Beesha caalamku waxay si weyn uga niyad xumaatay doorashadii Aqalka-sare,waxayna hada shuruud ku xireen dhaqaalihii dhankooda laga sugayay.

Habraaca hada soo baxay mahan mid heshiis lagu yahay,sida ay ii xaqiijiyeen xubno Gudiga ka mid ah.

Halkan ka ajhriso habraaca laysku khilaafsan yahay ee soo baxay

Jibril Qoobey