Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo bixinaysa dhaqaale ay u xayirneyd Wadada Gaalkacyo – Garoowe (VIDEO)

Wasaaraadda Maaliyadda Dowladda Puntland iyo Shirkadda Isxiliqaan ayaa kala saxiixdey Heshiis ku aadan in Wasaaradda Maaliyaddu bixiso kharashkii wadada horay uga galay shirkada inta u dhexaysa wadada Xarfo iyo Jalam.

Kulan lagu qabtey Xarunta Wasaaradda Maaliyadda ayaa waxaa ka soo qeyb galay Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland, Xasan Shire Cabdi, Wasiirka Qorsheynta Cabdiqafaar Xaange, Wasiirka Hawlaha Guud Axmed Ciro, Wasiiru dowlaha Maaliyadda Maxamed Cabdulqaadir , Xisaabiyaha Guud ee Dowladda Cumar Saalax Aadan iyo Masuuliyiinta Shirkadda isxilqaan

Kulan horay u dhexmaray Dowladda Puntland iyo shirkadda ayaa lagu heshiiyay in Isxilqaan Company la siiyo lacag dhan $1,800,000, marka hore na la siiyo $750.000, sidoo kalena Wasaaradda Maaliyaddu bixiso $150.000 bil walaba inta harsanna lacagtana shirkadu leedahay.

Dhinaca kale Shirkadda Isxilqaan ayaa banaynaysa wadada, si tartan loogu galo dhamaystirka dhismaha wadada Garoowe iyo Gaalkacyo.

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi ayaa u mahad celiyay Madaxda Shirkada Isxilqaan waxaana uu ku amaanay in ay dhaqaale badan dhankooda wadada ugu deeqeen.

Sidoo kale Guddoomiyaha shirkadda Isxilqaan Gorod Maxamed Xasan ayaa Madaxweynaha Iyo Wasiirka Maaliyadda Ku amaanay ka shaqaynta dhaqan galka hishiisakan mudada soo jiitamayey

Ugu dambayntii Wasiirka ayaa sheegay in lacagtaan lagu horumarinayo wadooyinka in ay qayb ka yihiin lacagta (Sales Tax) waana mid ay ku amaanay yihiin ganacnacsatada Puntland.

Idilnews