Sweden oo Puntland ka caawinaysa hormarinta Waxbarashada carruurta naafada ah

Wasiir-dawlaha Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee dawladda Puntland ayaa maanta Wasaaradda ku soo dhaweeyey wafti waxbarasho oo ka socday dalka Sweden.
Wasiir-dawlaha Waxbarashada iyo Tacliinta Sare, Cabdullaahi Xasan Rooble, Agaasima-waaxeedyada qaarkood iyo lataliyayaasha Wasaaradda ayaa shir muhiim ah la qaatay waftiga ka socday dalka Iswiidhan.

Ujeeddada shirkaan ayaa looga hadlay guud ahaan sidii wax looga qaban lahaa loona horumarin lahaa waxbarashada carruurta baahiyaha gaarka ah qaba. Waxaa laga wada hadlay sidii la iskaga kaashan lahaa waxbarashada carruurta baahiyaha gaarka ah qaba iyo in ay helaan iskuullo ku haboon, agab waxbarasho oo iyaga u gaar ah, manhaj ka turjumaya awooddooda waxbarasho, macallimiin leh tababbaro iyo xirfadda waxbarid ee ilmaha baahiyaha gaarka ah qaba, waalidka iyo bulshadaba in lagu wacyi galiyo in la ilaaliyo xuquuqda waxbarasho ee ilmaha baahiyaha gaarka ah leh.

Dhinaca kale, waxaa lagaga hadlay sidii loo horumarin lahaa Waxbarashada Dadban, kor u qaadidda far-tiro barashada iyo yaraynta aqris- qoris la’aanta sida bulshada reerguuraaga (pastoralists) ah, kuwa ku nool deegaan-xeebeedka (coastal area) iyo meelaha fogfog.

Waftigaan ayaa booqday kadib markii uu shirku dhammaaday dugsiga baahiyaha gaarka ah ee Al Basar iyo dugsiga hoose/dhexe ee Maxamuud Aw Cismaan.

Ugudanbayn, Wasiir-dawlaha Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee dawladda Puntland, Cabdullaahi Xasan Rooble, ayaa hadallo dardaaran ah usoo jeediyay kaqaybgalayaasha shirka, una mahadceliyey waftiga Sweden ee kulankan qayb ka ahaa, kaasoo ku qotomay hirgelinta iyo ka-midho-dhalinta qorshaha cusub ee Waxbarashada Baahiyaha Gaarka ah iyo waxbarashada reer miyiga.