Natiijada Imtixaanka fasalka 8-aad ee Puntland oo lagu dhawaaqay (VIDEO)

Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland ayaa shaacisay imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8aad sanad dugsiyeedkii 2020/2021 oo ay u fariisteen 12,035 Arday oo kala ahaa 7049 wiil iyo 4986 gabdhood.

Tirada guud ee ardayda gudubtey waa 11, 571, waxaana ku dhacay 364 arday, halka 100 kamid ah ardaydu aysan imtixaanka u fariisan, wqxaana Kaalinta 1aad waxaa gashay Nawaal Mahad Siciid Daaruraxma Boosaaso, sida uu ku dhawaaqay Wasiir kuxigeenka Waxbarashada Puntland Bashiir Jaamac Maxamed.

Idilnews