Puntland oo kor u qaadeysa tayada ilaha dakhliga ee Gobalka Mudug (VIDEO)

Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Cabdi Ibraahim Warsame” Qawdhan” ayaa booqday xafiisyadda Wasaaradda maaliyaddu ku lee dahay magaalada Galkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Wasiirka oo uu weheliyaan ku-simaha agaasimaha guud Mudane Abshir Maxamed Abshir iyo Xisaabiyihii guud ee Wasaaradda Maaliyadda ee Gobolka Mudug Ismaaciil Cabdi Nuur ayaa booqday xarunta dhaxe, goobaha dakhliga ee gobolka Mudug oo ay warbixino kaga dhegaysteen mas’uuliyiin kala duwan ee Gobolka.

Ku-simaha agaasimaha Guud Abshir Maxamed Abshir, ayaa sheegay in ujeedada booqashada waftigaani ay tahay sidii loogu kuur gali lahaa howlaha ka socda xafiisyada Wasaaradda ee gobolka Mudug, korna loogu qaadi lahaa dakhliga dowladda iyo hufnaanta hab-maamulka maaliyadda gobolka.

Wasaaradda Maaliyadda ayaa wada qorshayaal rasmi ah oo kor loogu qaadayo dakhli uruurinta, hormarinta Xafiisyadda cashuuraha si kor loogu qaado tayadooda isla markaasna ay ugu adeegaan bulshada hab waafaqsan nidaamka dawliga ah.

Idilnews