Al-Shabaab oo dib u qabsatay deegaano kamid ah Gobalka Mudug

Kooxda Al-Shabaab ayaa maanta dib u qabsaday deegaanada Bacaadweyne iyo Camaara ee gobolka Mudug, kaddib markii ay dib uga soo baxeen ciidamada Daraawiishta Galmudug iyo kuwa dowladda federaalka Soomaaliya.

Dadka deegaanka ayaa xaqiijiyey in Al-Shabaab ay gudaha deegaanadan lasoo galeen maleeshiyaad aad u hubeysan.

Ma jirto wax war oo kasoo baxay Galmudug iyo DFS, kaas oo ku saabsan qabsashada Al-Shabaab ee Camaara iyo Bacaadweyne

Talaadadii ayey aheyd markii ciidamada dawladda Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedka Galmudug ay dib u qabsadeen magaalada Camaara ee Gobolka Mudug, halkaasi oo muddo kooban ay haysteen maleeshiyada Al-Shabaab.

Idilnews