Madaxweyne Deni oo ku wajahan magaalada Gaalkacyo

Madaxweynaha Puntland Dr. Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa horaanta bisha September socdaal ku tagaya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug, halkaas oo uu kulamo kula yeelanayo Maamulka gobalka, kan degmadda Gaalkacyo, saraakiisha ciidammada, waxgaradka iyo isimada dhaqanka gobalka Mudug.

Madaxweyne Deni ayaa kala hadlaya dhinacyada la-dagaalanka Argagixisada, Hormarinta gobalka Mudug iyo sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta Xukuumadda Puntland ee uu hoggaamiyo iyo bulshada gobalka Mudug.

Sidoo kale, Siciid Deni ayaa la filayaa inuu daah-furo dib u bilaabista mashruuca dhismaha wadada Gaalkacyo – Garoowe, oo horey musuq-maasuq dartiis ay u joojisay Hay’adda GIZ.

Idilnews