Cismaan Macalimuu “Gobolkan Gedo wuxuu hoostagaa Jubbaland, waxaa Madaxweyne u ah Axmed Madoobe” (VIDEO)

Guddoomiyihii hore ee Gobalka Gedo Cismaan Macalimuu, ayaa si adag uga hadlay hadal kasoo yeeray Guddoomiyaha Farmaajo ugu magacaaban Gobalka Gedo, kaas oo ahaa in Gedo aysan katirsaneyn Jubbaland ayna dhisan doonaan Maamul cusub.

“Gobolkan Gedo wuxuu hoostagaa State-ka Jubbaland, waxaa Madaxweyne u ah Axmed Maxamed Islaam, nin diidan iyo nin ogolaada isaga ayaa Madaxweyne u ah, marbaa rag aan aniga ku jiray la leexiyay, waxaa nagula leexiyay wax sharci darro ah, wixii aan ku shaqeynayay wax sax ah ma aheyn” ayuu yiri Cismaan Macalimuu.

Idilnews