Madaxweyne Deni oo maanta ka degaya magaalada Gaalkacyo

Madaxweynaha Puntland H.E Said Abdullahi Deni, ayaa maanta ka degaya garoonka diyaaradaha Cabdullaahi Yuusuf ee magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug, iyadoona ay socota qabanqaabada soo dhaweyntiisa.

Madaxweyne Deni ayaa marka uu gaaro Gaalkacyo xariga ka jaraya garoonka kubadda cagta Cawaale, isagoona sidoo kale ka bilaabaya kulamo uu la yeelanayo Maamulka, Waxgaradka, iyo Isimada Gobalka Mudug, kuwaas oo uu kala hadlayo Amniga, hormarinta Gobalka, iyo ilaalinta midnimada bulshada.

Sidoo kale, Madaxweynaha Puntland ayaa inta uu ku sugan yahay Gobalka Mudug tagi doona deegaanka Garacad, isagoona xariga ka jaray wajiga kowaad ee Dekedda Garacad.

Idilnews