DEG-DEG: Farmaajo oo xil cusub u magacaabay Fahad Yaasiin

Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS ayaa Fahad Yaasiin iyo xubno kale u magacaabay xilal cusub, isagoona si gaar ah Fahad Yaasiin ugu magacaabay La-taliyaha Amniga Qaranka.

1. Madaxweynaha Farmaajo ayaa u magacaabay Gaashaanle Sare Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud, oo haatan ah Taliyaha Nabad Sugidda ee Gobolka Banaadir, in uu si kumeel gaar ah u hoggaamiyo Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka inta laga soo magacaabayo taliye cusub oo ku yimaada hab waafaqsan sharciga iyo Dastuurka KMG ee dalka.

3. Madaxweynaha ayaa u magacaabay Mudane Cabdisaciid Muuse Cali inuu noqdo Agaasimahga Guud ee Madaxtooyada Qaranka, waxa uuna ku ammaanay shaqada hufan ee uu kasoo qabtay taabbo-gelinta siyaasadda Amniga Qaranka.

4. Madaxweynaha ayaa sidoo kale u magacaabay Mudane Fahad Yaasiin Xilka La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wuxuu isugu yeerayaa kulan ay yeelanayaan Guddiga Amniga Qaranka 18ka Sebteembar 2021, si Guddiga looga horjeediyo warbixinta laga dalbaday Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka.

Idilnews