Akhriso: Guudlaawe oo tartamayaasha Aqalka Sare u magacaabay 33 musharax

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Hirshabelle Cali Guudlaawe Xuseen, ayaa goor-dhaweyd soo saaray liiska musharixiinta ku tartamaysa kuraasta Golaha Aqalka Sare ee BJFS ku matalaya Hirshabelle.

Kuraastan oo ah 8, ayaa waxaa ku tartami doona musharixiin gaaraysa 33 musharax, kuwaas oo uu kamid yahay Muuse Suudi Yalaxow, oo ahaa Senator katirsan Baarlamaanka waqtigiisu dhamaaday.

Cali Guudlaawe ayaa noqonaya Madaxweynihii ugu horeeyay ee dowlad Gobaleed, kaas oo u cadaalad fala tartamayaasha Aqalka Sare ee BJFS, si furana u soo magacaaba loolamayaasha isku wajihi doona hoolka Baarlamaanka Hirshabelle.