Sh/hoose: Weerar madaafiic ah oo lagu qaaday saldhig Ciidan

Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa waxaa.la sheegay inay xalay weerar madaafiic ah ku qaadeen Saldhiga Ciidamada Dowladda Soomaaliya ku leeyihiin degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Dad Goobjoogayaal ah ayaa waxaa ay sheegeen in marqura ay ka warheleen madaafiic kusoo dhaceysa degmada, isla markaana ay ku dhaceen Gudaha xerada iyo Agagaarkeeda.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in weerarka madaafiicda ah ay ku dhaawacmeen ilaa lix ruux oo Shacab ah, kuwaas oo ku sugnaa guryo ku dhow Saldhiga Ciidamada dowladda ee degmada Awdheegle.

Ciidamada dowladda ayaa waxaa la sheegay in dhankooda ay ka jawaabeen weerarka hoobiyeyaasha ah ee lagu soo qaaday, waxaana wararka saaka la helayo ay sheegayaan in Ciidamada ay wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

Idilnews