Musharixiinta Aqalka Sare ee Hirshabelle oo khudbadaha maanta jeedinaya

Xildhibaannada Baarlamaanka dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa waxaa lagu wadaa in maanta oo isniin ah inay dhageystaan khudbadaha musharixiinta Aqalka Sare.

Shalay guddiga doorashooyinka Hir-Shabeelle waxaa ay soo geba-gabeeyeen diiwaangelinta 27 musharax, kuwaas oo isugu jira rag iyo Dumar, isla markaana ku tartami doona 8 kursi ee Maamulka Hir-Shabeelle ku matalaya Aqalka Sare

liiska Musharixiinta Aqalka Sare ee uu markii hore soo saaray Madaxweynaha Hir-Shabeelle ayaa waxaa ay gaarayeen 34 Xubnood, balse 7 kamid ah ay tartanka isaga hareen.

Laba kamid ah kuraasta Aqalka Sare ee doorashadooda ka dhaceyso Magaalada Jowhar ayaa aad u adag, waxaana haatan difaacanaya oo ku fadhiya Muuse Suudi Yalaxoow iyo Dr Cusmaan Maxamuud Dufle.

Maalinta Berito oo talaado ah ayaa waxaa la filayaa in Xarunta Baarlamaanka ee Magaalada Jowhar inay ka dhacdo doorashada Xildhibaannada Aqalka Sare, iyada oo niga siweyn loo adkeeyay.

Idilnews