Puntland iyo QM oo ka wada-hadlay Amniga Doorashooyinka (Sawirro)

Shir is xog waraysi iyo wax wada qabad ah oo dhex maray Wasaaradda Amniga iyo DDR ee Dawladda Puntland iyo madax ka socota Xafiiska Caawinta Soomaaliya ee Qaramada Midoobay (UNSOM) ayaa ka qabsoomay xarunta dhexe ee Wasaaradda Amniga iyo DDR ee DPL.

Waxaa shirkan shir gudoomiyay Wasiirka Wasaaradda Amniga iyo DDR ee Dawladda Puntland waxaana wehliyay Wasiir xigeenada Wasaaradda iyo Agaasimaha Guud. Sidoo kale waftiga UNSOM waxaa hogaaminayay Marco oo ah hogaanka ROLS-UNSOM.

Shirkaan ayaa lagu gorfeeyay shaqooyin horey ugu qabsoomay labada dhinac kaas oo ay iska kaashanayeen sida Hormarinta Booliiska Puntland iyo barnaamijyada hormarinta ah ee Puntland. Waxaa sidoo kale laga hadlay dardargelinta Barnaamijka Amniga Doorashooyinka, u diyaar garowga mashruuca JPP – wajiga labaad iyo siday labada dhinac oga wada shaqayn lahayeen mashaariicda hormarinta ee Puntland. Shirka ayaa kusoo dhamaaday is afgarad iyo natiijo wax ku ool u ah dalka iyo dadka reer Puntland.

Idilnews