Dadaaladii lagu xalinayay khilaafka Farmaajo iyo Rooble oo mar kale fashilmay!

Waxaa istaagay wada-hadaladii loogu kala dabqaadayay Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, oo uu ka dhextaagan yahay khilaaf weyn. wada-hadaladan ayaa ahaa kuwii saddexaad oo xal loogu raadinayay khilaafka Farmaajo iyo Rooble.

Waan-waantan oo ay wadeen Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka waqtigiisu dhamaaday Maxamed Mursal Cabdiraxmaan, ayaa socon weyday kaddib labada nin ay ku kala adkeysteen mowqifkyadooda.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa u sheegay Idilnews, in Farmaajo uu dalbaday in hoggaanka Hay’adda NISA loo daayo Agaasimaha KMG ah ee dhowaan uu magacaabay, halka Rooble uu ku adkeystay in hoggaanka Hay’adda uu qabanayo Gen. Bashiir Goobe oo uu isagu u magacaabay Agaasime KMG ah.

Lama oga halka uu ku dambeynayo khilaafka Labada Nin oo kasoo bilowday cadaalad u raadinta Ikraan Tahliil oo kamid aheyd saraakiisha NISA, ayna NISA sheegtay inay afduubteen, kaddibna dileen Al-Shabaab iyo xil ka qaadistii Fahad Yaasiin oo kamid ah eedeysanayaasha loo heysto dilka Ikraan.

Idilnews