Maxaa kasoo baxay kulankii xalay ee RW Rooble iyo Madaxda Dowlad Gobaleedyada ?

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa guddoomiyay Shir ay habka fogaan aragga caawa ku yeesheen madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka oo diiradda lagu saaray habsami u socodka howlaha doorashooyinka dalka iyo in sida ugu dhaqsiyaha badan loo bilaabo doorasha xildhibaannada Golaha Shacabka ee BFS, iyadoo la tix raacayo jadwalkii doorashooyinka dalka.

Guddoomiyaha Guddiga Maamulka Doorashooyinka Heer Federaal oo shirka qeyb ka ahaa, ayaa Golaha Wadatashiga Qaran la wadaagay warbixin ku saabsan howlaha guddiga ee ku aaddan hab sami u socodka howlaha doorashooyinka.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sidoo kale u sheegay Idilnews, in Madaxda Golaha Wada-tashia Qaran ay isku soo hadal qaadeen in shir isugu yimaadaan, balse lama go’aamin waqtiga rasmiga ah uu qabsoomi doono shirkaas.

Idilnews