Safiirka DFS ee Tanzania oo waraaqaha Aqoonsiga laga guddoomay

Safiiradda cusub ee Soomaaliya ee Tanzania Danjire Sahra Cali Xasan, ayaa warqadaheeda aqoonsiga danjirannimo ee Jamhuuriyadda Midowday ee Tanzania ku wareejisay Madaxweynaha dalkaasi , (Marwo) Samia Suluhu Hassan, kadib munaasabad lagu qabtay Aqalka Madaxtooyada oo ku yaalla Caasimadda Dodoma.

Danjire Sahra Xasan ayaa la wadaagtay Madaxweynaha Tanzania fariin salaan ah oo ay ka siday Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Maxamed Cabdullaahi Maxamed “Farmaajo”, iyadoo carabka ku adkaysay sida ay uga go’an tahay inay hore u sii wado xoojinta xiriirka iyo iskaashiga laba geesoodka ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Tanzania si horumar iyo barwaaqo u gaaraan labada dal iyo labada dad ee saaxiibada ah.

Dhankeeda, Madaxweynaha Tanzania, Samia Suluhu, waxa ay soo dhoweysay Safiiradda cusub ee Soomaaliya, iyadoo u rajaysay in ay ku guuleysato howlaha loo igmaday si ay u xoojiso xiriirka taariikhiga ah ee qotada dheer.

Idilnews