Akhriso: Beesha Caalamka oo dhaqaale shuruud ku xiran tahay u ballanqaaday Puntland

Beesha Caalamka ayaa ugu hambalyeeyay Xukuumadda Puntland hanaanka Dilmuquraadiyeynta iyo Doorashooyinka qof iyo codka ah ee la filayo inay si hordhaca ah uga dhacdo degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufeyn.

Wakiilo ka socda Beesha Caalamka oo hoggaaminayo Safiirka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan oo Axadii soo gaaray magaalada Garoowe, kuluna la qaatay Madaxweynaha Puntland Dr. Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ku bogaadiyay dowladda Puntland hirgalinta hanaanka Dilmuquraadiyeynta.

Sidoo kale, Wakiillada Beesha Caalamka ayaa sheegay inay Puntland ka gacan siinayaan hirgalinta hanaankan, hadii ay ku guleysato Doorashooyinka hordhaca ah ee loo madlan yahay in 25 bisha soo socota October ay ka dhacdo degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufeyn.

Safiirka Dowladda Ingariiska ee Soomaaliya Kate Foster, oo talaadadii soo gaartay magaalada Garoowe ayaa la kulantay Madaxweyne Deni, Guddiga KMG ah Doorashooyinka Puntland, iyo Ururrada siyaasadda, waxaana ay ballanqaaday in UK ka gacan-siinayso Puntland hanaanka Dilmuquraadiyeynta.

Idilnews