Video:-Raafkii Laascaanood Oo sii socda iyo waxgaradka ka hadlay arinkaas

Qabqabashada dadka kasoo jeeda Koonfurta Soomaaliya ee magaalada Laascaanood ayaa socota maalintii saddexaad inkastoo xawliga ay ku socoto uu gaabis yahay marka loo eego labadii maalmood ee lasoo dhaafay.

Mas’uuliyiinta amniga Somaliland oo la hadlay warbaahinta dawladda Somaliland ayaa iyagana difaacay tallaabooyinka ay qaadayeen oo dhaliyey cambeeryn xooggan.

dhanka kale waxgaradka Gobolka Sool oo shir ku yeeshay Laascaanood saakay,ayaa iska fogeeyay in ay talo ku leeyihiin raafka lagu hayo Dadka reer Koonfurka ah,inakstoo dad badan oo Somalida kale ah dhaliileen sida ay uhadleen odoyaashaas.

Halkan ka daawo muuqaalka