Shir looga hadlayo mashruuca biyoole oo ka dhacay Garoowe

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Mudane Cabdiqafaar Cilmi Xaange ayaa saaka shir gudoomiyey shir uu soo qaban qaabiyey mashruuca biyoole shirka oo diirada lagu saarayey dardar galinta howlaha shaqo ee mashruuca Biyoole iyo kala hormarinta mudnaanaha shaqo.

Intii uu kulanku socday ayaa la soo bandhigay kala hormarinta mudnaaha horyaala mashruuca sida biyaha, beeraha, degaanka iyo xoolaha .

shirka ayaa waxaa ka soo qayb galay wasaaradaha la shaqeeya mashuurca Biyoole sida Wasaaradda Xanaanada Xolaha, Degaanka iyo tamarta iyo macdanta biyaha ee heer Puntland .

Idilnews