WAR DEG DEG AH: Soomaaliya oo ku guuleystay dacwadda Badda

Maxkamada cadaalada Adduunka ee ICJ ayaa u xukmisay dalkeenna baddii ay nagu haysatay Kenya .

Maxkamada ayaa sheegtay in Kenya ay ku xadgudubtay madaxbanaanida Soomaaliya xaqna aysan u lahayn in bada Soomaaliya ku xadgudubto ayna jabiso xukunka maxkamada ka soo baxay .

Dowladda Kenya ayaa diiday Doodii Kenya ee ahayd naloo qeybiyo Badda iyo Maxkamadda ayaa sidoo kale sheegtay in Kenya doodeeda lahaanshaha ay aheyd mid jaban oo aan la aqbali karin.

Waxyaabaha cusub ee Maxkamadda ICJ ay sheegtay waxaa ka mid ah in Soomaaliya aysan wax magdhaw ah weydiin doonin Kenya intii ay joogtay dhul badeedka lagu muransanyahay.

Keliya ay doonayso in Maxkamadda ay Kenya ku wargeliso in ay isaga baxdo dhulkaas.

Maxkamadda ICJ sidan ayey u calaameysay xuduud badeedka Soomaaliya iyo Kenya. Sida ka muuqata sawirka hoose, inta badan dhul-badeedkii ay sheegatay Kenya waa la diiday, hase yeeshee inyar ayaa sidoo kale laga reebay dhul-badeedkii ay sheegatay Soomaaliya, oo ka billaabata kadib 12 mile xariiqda tooska ah ee ku aadan xuduuddda dhulka.

Idilnews