Barakac xooggan oo ka soconaya magaalada Guriceel

Barakac xooggan ayaa maanta ka soconaya degmadda Guriceel ee gobalka Galgaduud, halkaas oo laga cabsi qabo inay ku dagaalamaan Ciidanka dowladda & kuwa Galmudug oo dhinac ah iyo Ahlusunna.

Dadka ayaa waxaa ay siweyn uga barakacayaan Xaafadaha kala ah Wadajir, Daryeel iyo Tawakal, waxaana Ciidamada Ahlusunna ay difaacyo ka sameysteen gudaha iyo daafaha magaalada.

Barakacaan maanta ka billowday degmada Guriceel ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii Ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug ay ku dhawaadeen degmada Guriceel, isla markaana ay fariisin ka sameysteen degaanka Ceeldheere.

Xaaladda degmada Guriceel ayaa ka duwan sidii hore, waxaana qaar kamid ah bulshada ay sheegayaan inay dareemayaan cabsi la xiriirta in dushooda lagu dagaalamo, isla markaana ay waxyeelo kasoo gaarto.

Idilnews