Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Madaxda D/Gobaleedyada oo kulan yeelanaya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Maxamed Xuseen Rooble, iyo Madaxweynayaasha Dowladaha xubnaha ka ah DFS ayaa habeen dambe yeelan doona kulan deg-deg ah oo looga hadlayo dardar-gelinta doorashooyinka dalka.

Kulanka oo ku qabsoomaya aalada ZOOM ayaa si gaar ah diirada loogu saari doonaa bilaabista doorashada Golaha Shacabka BJFS, iyo Ajandaha kulan la filayo inay dabayaaqada bishan illaa horaanta bisha soo socota November.

Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Idilnews ayaa sheegaya in kulanka Golaha Wada-tashiga Qaran uu ka dhacayo magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland, iyadoo lagu go’aamin doono jadwal cusub oo la xariira hirgelinta doorashooyinka Golaha Shacabka iyo Madaxweynaha.

Idilnews