Madaxweyne Karaash oo ku wajahan maanta degmada Ufeyn

Madaxweyne kuxigeenka Puntland Mudane Cilmi Cismaan Karaash, ayaa saaka ka amba-baxay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland, isagoo ku wajahan degmadda Ufeyn ee gobalka Bari.

Madaxweyne Axmed Karaash ayaa uga qeybgalaya degmadda Ufeyn isku soo bax balaaran oo taageerayaasha Urur siyaasadeedka KAAH uu ku qabsanayaan degmadaas, oo kamid ah saddexda degmo ee loo asteeyay inay ka dhacaan doorashooyinka hordhaca ah ee Puntland.

Shacabka kunool degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufeyn ayaa 25 bishan October u dareeraya doorashadii ugu horeysay ee qof iyo cod ah, oo ka dhacda deegaanada Puntland, taas oo ay ku loolamayaan 9 Urur siyaasadeed.

Idilnews