Guddiga TPEC oo diray agabkii lagu geli lahaa Doorashooyinka (VIDEO)

Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland ayaa maanta u kala diray agabkii lagu geli lahaa Doorashooyinka hordhaca ah, degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufeyn. Agabkan ayaa waxaa kamid ah sanaaduukhda codeynta.

Guddoomiyaha Guddiga TPEC Guuleed Saalax Barre, oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe ayaa sheegay inay diyaariyeen dhamaan wax walba oo ay u baahneyd qabsoomida Doorashooyinka, sidoo kale ay ugu baaqay inay ka qeyb-qaataan sidii ay u qabsoomi laheyd doorasho xasiloon.

Idilnews