Madaxweyne Deni “Farmaajo kama hadlin doorashada Puntland, taasi waxay cadayn u tahay” (VIDEO)

Madaxweynaha dowladda Puntland Dr. Siciid Cabdullaahi Deni, oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Qardho ayaa boggaadiyay hanaankii ay u qabsoomeen doorashooyinkii hordhaca ahaa ee shacabka degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufeyn kusoo dooranayeen Wakiiladooda Golaha deegaanka 3 degmo.

Madaxweyne Deni ayaa nasiib darro ku tilmaamay in Madaxweyne Farmaajo uusan weli hambalyeeyn doorashooyinka qof iyo codka ah ee ka dhacay degmooyin kamid ah Puntland, taasna ay cadeyn u tahay in uusam rabin doorasho qof iyo cod ah iyo nidaamka Federaalka ee Soomaalidu ku heshiisay.

“Villa Somalia iyo Madaxweyne Farmaajo kama hadlin doorashada Puntland, taasi waxay cadayn u tahay hadalkii aan ku celcelin jiray ee ahayd Farmaajo doorasho hal qof iyo hal cod ah iyo nidaamka federaalkaba ma rabo” ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Idilnews