Maxaa kasoo baxay kulankii Dhabancad iyo Guddoomiyayaasha degmooyinka ?

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuquraadiyeynta Dowladda Puntland Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, ayaa Xafiiskiisa Garowe kula kulmay qaar ka mid ah Guddoomiyaasha Degmooyinka Puntland.

Kulanka waxaa looga wada hadlay xaaladda guud ee Puntland, sida Amniga, Siyaasadda, horumarinta arrimaha Bulshada, arrimaha barakacayaasha iyo u diyaar garowga dhaqangelinta siyaasadda barakacayaasha ee ay samaysay Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo sidii la isaga kaashan lahaa arrimaha hortabinta leh ee hadda ka socda guud ahaan Degmooyinka Puntland.

Sidookale, waxaa shirka looga wada hadlay xaaladda abaaraha oo hadda deegaamada qaybtood ka jirta iyo sidii loogu diyaar garoobi lahaaa.

Kulanka waxaa qayb ka ahaa Agaasimaha Waaxda Dowladaha Hoose Maxamed Maxamuud Cali (Goojacade), waxaana ka soo qaybgalay Guddoomiyaasha Degmooyinka Bosaaso, Qardho, Gaalkacyo, Eyl, Buurtinle iyo Banderbayla.

Idilnews