VIDEO: Jubbaland oo iclaamisay roob-doon ka dhacaysa Kismaayo

Wasiirka wasaaradda cadaaladda, awqaafta iyo arrimaha diinta Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Maxamed Yuusuf Cumar oo shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa iclaamiyay roob doon maalinta berri ah ka dhici doono magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose.

Wasiirka ayaa bulshada reer Kismaayo ugu baaqay in ay isku soo baxaan oo si wanaagsan uga qayb qaataan roob doonka, loona baahany in Eebbe la waydiisto in uu bulshada ka dul qaado abaarta.

Roob doonkan uu iclaamiyey Wasiirka Cadaaladda, awqaafta iyo arrimaha diinta Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa ku soo beegmaya xili ay abaaro ka jiraan qaybo ka mid ah deegaanada Jubbaland, taas oo saameyn ku yeelatay dadka iyo duunyada.

Idilnews