Faallo:-Dib u dhaca Doorashada iyo Doorka Raysal Wasaaraha

Dib u dhaca Doorashada iyo Doorka Raysal Wasaaraha:

Shirkii ugu dambeeyay in Golaha Wadatashiga Qaranka,ayaa lagu heshiiyey in doorashada loo dhaqaaqo,caqabadaha jirana RW Rooble kala shaqeeyo Madaxda ay khusayso sidii loo xalin lahaa.

Caqabada jiray Waxaa ka mid ahaa:

Gedo:

1.Dowaladda Jubbaland iyo Raysal Wasaare Rooble waxay ku heshiiyeen in doorashada ka hor Magaalada Garbahaarey laga saaro Ciidanka Duufaan oo ah cutub ka tirsan Nabad Sugidda iyo Kulane Jiis oo ah Ninka ay ka amar qaataan.

2.Intaa Kaddib MD Axmed Madoobe soo magacaabo Guddiga Heer Degmo ee Magaalada Garbahaarey

3.In Guddiga Doorashada ee Jubbaland ay tagaan Garbahaarey.

4.In Murashaxiinta kuraastoodu taalo Garbahaarey loo ogolaado in ay Deegaanka si xor ah uga tartamaan.

Beledweyn:

1.RW iyo Madaxweyne Cali Guudlaawe,ayaa ku heshiiyey in xal siyaasadeed loo helo arrinta Beledweyne.

2.RW Rooble inuu safar ku tago Beledweyne oo la kulmo Bulshada iyo Dhaqanka reer Hiiraan.

3.In la kala saaro khilaafka u dhexeeya reer Hirshabelle iyo meel marinta Doorashooyinka.

Xulista Ergada, Doorka Dhaqanka iyo Bulshada Rayidka ah:

Kaddib cabashooyin ka yimid Murashaxiinta iyo Odayaasha Dhaqanka Soomaalida waxaa lagu heshiiyey..

1.In RW Rooble is waafajiyo Habraaca Doorashooyinka ee Guddiga Sare Doorashada iyo Go’aamadii ka soo baxay Golaha Wadatashiga Qaran.

2.In la soo saaro Jadwal muujinaya bilowga iyo dhamaadka Doorashooyinka.

Nasiib darro, dhamaan tabashooyinka kore waxba kama qabsoomin.

RW Rooble,ayaa fasaxay in Doorashooyinku bilowdaan si habqan ah taas oo keentay in labadii Kursi ee ugu horeysay ay ku bilowdaan si baal marsan heshiisyadii siyaasiyiga ahaa iyo Habraacii Guddiga Farsamada.

RW,ayaa siduu Waddanka Qatar uga soo laabtay ka gaabsaday in uu Shir u qabto Madaxda Dowlad Goboleedyada si xal looga gaaro arrimaha kor ku xusan.

Dalku Doorasho,ayuu doonayaa si amni ah si ku timaadda.

Jibril Qoobey.