Xog:-Cumar Cabdirashiid oo Xamar kawada abaabul xoog leh

Doorkii Madaxweynaha Fadaraalka iyo kii Puntland,ayuu buuxiyay Cumar,waxuuna dhaqaajiyay qorshihii Dalka lagu badbaadin lahaa.

Si weyn ayay usoo dhaweeyeen Midowga Musharaxiintu imaanshaha Cumar,waxaana durba isku duba dhacay midaynta aragtida Haldoorka Somaliyed ee badbaadinta Dalka.

Midowgu,waxay usoo jeediyeen Cumar in uu Gudoomiye unoqdo,waase ka cudurdaartay.

Balse waxaa laysla go’aansaday in deg-deg loo hirgeliyo hogaan iyo qorshe mid ah oo Dalka badbaadiya.

Dowladii Somaliya ee Afar Sano ka hor hogaankeeda loo dhiibay Farmaajo,waa isla luntay.

Sidoo kale hanaankii Doorasho ee Rooble gacanta loo geliyay,waxuu noqday faashil.

Dowlad Goboleedyadii uu ugu tunka weynaa Madaxweyne Deni,waxay qayb ka noqdeen hagardaamada iyo faashilka dhacay.

Dalku waxuu haatan ubaahan yahay Badbaado Qaran.

Jibril Qoobey.