Gudiga Doorashada Qaranka oo uqabtay Gudiyada PL iyo JL…..

Guddiga Doorashooyinka Qaranka “Waxaan fareynaa Guddiyada Maamulka Doorashada ee Puntland, Jubbaland iyo Hirshabeele in ay muddo 48 sac ah kusoo gudbiyaan warbixin ku saabsan bilaabashada doorashada ama bulshada Soomaaliyeed u cadeeyaan caqabadaha hor taagan”.

War-saxaafadeed ka soo baxay guddiga doorshada ayaa sidoo kale ugu baaqay madaxda maamul goboleedyada inay ‘sida ugu dhaqsiyaha badan’ u bilaaban doorashada xubnaha Golaha Shacabka.

“Dib u dhaca ku yimaada doorashada, waxaa masuuliyadeeda qaadaya mas’uuliyiinta Golaha Wadatashiga Qaran, oo siyaasiyan dhankooda uga xanniban tahay howshu” ayaa lagu yiri bayaankan oo intaas ku daray “Waxaan ugu baaqeynaa Golaha Wadatashiga Qaran inay gutaan masuuliyadooda ummadeed ee saaran, ayna dedejiyaan doorashada Golaha Shacabka, iyadoo la raacayo habraaca iyo hannaanka howhada doorashada, si loo xaqiijiyo daah furnaanta iyo hufnaanta doorashada”

War-saxaafadeedkan ayaa u qoranaa:

Halkan ka akhriso:-