Madaxweyne Deni oo qado sharaf usameeyay Omar,Gaas iyo Faroole

Garoowe: 25 December 2021: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa kulan gaar ah iyo Qado sharaf u sameeyay Ra’iisalwasaarihii hore ee Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake, Madaxweynihii hore ee Puntland Sanatar Mudane Cabdiraxmaan Faroole, Ra’iisalwasaarihii hore ahna Madaxweynihii hore Puntland Mudane Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Kulanka oo ahaa is xogwareysi waxaa ka qeybgalay Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl.