Faallo”Puntland ma ubaahan tahay Caasimado dhawr ah?

Markale,waxay reer Puntland ubaahan yihiin in dib u eegis lagu sameeyo Xeerarka Dastuuriga ah.

Caasimada Qodobkeeda waa mid mudan in dib loo eego,iyadoo la tixgelinayo dhawr arimood oo muhiim u ah sii jiritaankooda danbe…..

1.Wax wada lahaanshahooda.

2.Midnimadooda iyo isku xirnaantooda.

3.Maamul daadajintooda.

4.Horumar gaarsiinta dhamaan Deegaamadooda.

5.Kor usoo qaadida wacyiga Bulshadooda.

Hadaba,iyadoo Qodobadaa laga duulayo,waxaan qabaa in dib u eegis lagu sameeyo Qodobka Dastuuriga ah ee Caasimada.

Qodobkaas oo hada dhigaya in Caasimada Puntland ay tahay Garowe oo kaliya in lagu daro ilaa Sadex magaalo oo kale oo Caasimadaha Puntland la noqda.

Caasimad walbana in la siiyo mudo xileed ay Caasimad ahaanayso ama Hay’adaha Dowliga loo qaybiyo si ay ugu kala shaqeeyaan.

Dowladnimada Puntland ha xoogaysato.