Soomaaliya maku jirtaa waddamada aan la ciqaabeynin?

Warbixin kasoo baxday Qaramada Midoobaya ayaa lagu sheegay in 11 dal oo ay Soomaaliya ka mid ah lagu leeyahay lacagta xubinnimada Golaha.

Saddex wadan oo lacagahaas ay ku gaareen malaayiin doolar ayay Soomaaliya qayb kasii tahay, sida ku cad liiska Jimciyadda Quruumaha ka dhaxeysa.

Liiskaas lasoo saaray 10-kii bishan January ayay dalalku ugu kala xusan yihiin sidan:

Venezuela: oo ah waddanka qaanta ugu badan looga leeyahay xubinnimada Qaramada Midoobay waxaa laga doonayaa lacag dhan $39, 850, 761 oo doolarka Mareykanka ah.

Iiraan: oo ku jirta kaalinta labaad ee dalalka lacagaha ugu badan looga leeyahay Qaramada Midoobay waxaa ku maqan $18, 412, 438 oo doolarka Mareykanka ah.

Soomaaliya: oo ah dalka saddexaad ee lacagta qaanta ku ah ay gaartay tirada malyanka ayaa laga rabaa $1, 446, 163 oo doolar.

Dhammaan dalalka kale ayaa ka hooseeya hal milyan.

Sao Tome and Principea: $867, 435

Comorosa: $412, 821

Sudan: $299, 044

Congo: $73, 151

Guinea: $39, 647

Antigua and Barbuda: $37, 259

Papua New Guinea: $13, 185

Vanuatu: $194

Maxaa lagu ciqaabaa dalalka lacagta bixin waaya?

Sida ku xusan qodobka 19-aad ee Xeerka Qaramada Midoobay, waddan kasta oo xubin ka ah golaha haddii uu ku guul darreysto bixinta lacagta, deynta lagu yeeshayna ay la ekaato ama ka badnaato lacagtii laga rabayay labo sano oo isku xigta, waxa uu weynayaa xuquuqda codeynta ee uu ku leeyahay Golaha Wakiillada Caalamka.

Hase yeeshee waxaa ciqaabtaas laga reebayaa waddanka xubinta ah ee soo bandhiga xaalado ku kallifay inuu bixin waayay lacagta, kuwaasoo ka baxsan awooddiisa.

Somaliya maku jirtaa Dalalka lumiyay xaqii Codaynta?

Qaraar tirsigiisu yahay 76/2 oo Qaramada Midoobay kasoo baxay 11-kii bishii October ee sanadkii 2021-kii ayaa lagu go’aamiyay in saddex waddan oo xubno ka ah Golaha, oo kala ah Comoros, Sao Tome and Principe iyo Soomaaliya loo oggolaan doono inay Qaramada Midoobay ka codeeyaan ilaa laga gaarayo dhammaadka kal-fadhiga 76-aad.

Balse taas kama dhigna in waddamadan laga cafiyay qaanta, waxaana ay ku jiraan oo keliya dalalka caddeeyay in ay lacagta laga rabay u bixin waayeen sababo ka baxsan awooddooda.

Sanad walba Soomaaliya waxa ay guddi u xil saaran dhinaca qidmadda Qaramada Midoobay u gudbisaa warbixin ay ku sharraxeyso sida aysan u awoodin bixinta lacagtaas, guddigaas ayaana xubnaha sare ee aramada Midoobay usii gudbiya sharraxaadda ku aaddan sida aysan dowladda Soomaaliya u awoodin deynta, waxaana loo oggolaadaa inay codeeyaan.