Gudiga Doorashada Galmudug oo shaaciyay 21-Kursi

Guddiga Doorashada Galmudug ayaa shaaciyay 21 kursi oo ka tirsan Golaha Shacabka, kuwaasoo doorashadooda la qabanayo maalmaha soo socdo.

Waa kuraastii ugu badneyd ee hal mar la shaaciyo, iyadoo maanta ay bilaabaneysay jadwalka doorashada ee loo muddeeyay in doorashada Golaha Shacabka lagu soo gabagabeeyo 15 Janaayo illaa 25 Febraayo.