Beel ka hor timid Gudoonka Islaan Ciise

Beesha reer Xuseyn ee Muuse Ciise Maxamuud, waxay ka hor timid Gudoonkii Islaan Ciise.

Islaan Ciise Islaan Maxamed,ayaa go’aamiyay in Beesha Cali Nuur Kursigaas markale la siiyo,iyadoo soo haysay 5-tii Sano ee hore.

Beesha Cali Nuur,waxaa kasoo jeeda Xildhibaan Cali Yuusuf Xoosh oo ahaa 4-tii sano ee hore Nin aad ugu khidmeeyay Labada Isin ee Beelweynta Ciise Maxamuud danahooda gaarka ah iyo fududaynta adeegyada ay uga baahdaan Xamar.

Sida aan xogta ku helay Labada Isin waa ka midaysan yihiin soo celinta Cali Xoosh oo ay u arkaan Siyaasi Baari u ah.

Xildhibaan Cali Gaab waa Siyaasi aragtidiisu aysan ka sarayn Ciise Maxamud,hankiisuna dhaafsiisnayn Dulaal.

Khatarta uu leeyahay waa in uu Xubin ka yahay Aaran-shaydaan!!